
Kusoo dhawaada Kooris-ka Barashada Linux: Bilaw ilaa Dhamaad (Somali).
Kooriskaan waa kooris aasaasi ah oo loogu talagalay dadka ku cusub Linux-ka. Waxaa sidoo kale ka faa’iideysan karo, dadka jecel inay bartaan Cybersecurity, Cloud Computing ama Devops.
Kooris-kaan waxaad ka heli doontaa dhamaan aasaaska aad u baahantahay si aad si kalsooni leh ugu isticmaashid Linux-ka.
Kooriskaan wuxuu noqon doonaa mid itus oo i taabsii ah, oo Sheeko badan kuma arki kartid.
Inta uu kooris-kaan socdo waxaan si faahfaahsan uga u baran doontaa.
Waa Maxay Linux ?
Sida aad Computerkaaga ugu shubi laheen Kali Linux.
Sidii aad u qori lahayd Amaradaadii ugu horeeyay Linux.
Sidad u isticmaali lahayd Faylasha iyo Folderada Linux-ka.
Sidaad u abuuri lahayd Isticmaalayaasha Sistemka iyo Sidaad u badali lahayd Ogolaanshiyaha ama Permissions-ka Faylasha.
Sidii aad u maamuli lahayd Processyada iyo waxa ka dhex socdo Sistemkaaga.
Waxaan isla eegi doonaa Amaro caan ah oo loo isticmaalo Networking-ka marka Linux la joogo.
Waxaan kaloo baran doonaa Sida Software loogu duubo Linux-kaaga.
Ugu dambeyna waxaan hordhac ku sameyn doonaa Bashscript, anagoo qori doono Script-geenii ugu horeysay.
Waxaad Hal Saac gudahood ku baran doontaa waxwalbood ugu baahantahay inaad Linux ka ogaato, waliba si Practical ah ama Itus oo i taabsii ah. Dhamaadka Course-kaan waxaad gaari doontaa darajo aad si kalsooni leh ugu shaqeysid Linux.
Markle Soo dhawaw!