
Koorsadan waxaa si gaar ah loogu talagalay qof kasta oo fahmi kara ama ku hadli kara afka Soomaaliga, waxaana ku baran doontaa dhammaan aasaaska loo baahan yahay si aad u noqoto barnaamij-yaqaan iskii is baray (self-taught developer), annagoo kugu sharaxayna wax walba luqaddaada hooyo.
Koorsadan wax-ku-oolka ah ee si qoto dheer u diyaarsan waxaa loogu talagalay in lagu siiyo dhammaan dadka xiisaynaya barashada Python sidoo kale waxaa loogu talagalay in ay kor u qaaddo xirfadaha iyo aqoonta muhiimka ah ay u baahan yihiin ardayda kala duwan si ay u noqdaan Python developers karti leh
Bilowaga Koorsadan waxaad si qoto dheer u baran doontaa dhamaan waxyaalaha Foundation u aha programming walba sida
1.Datatype
2.Variable
3.Functions
4.Conditional Statements
4.Error Handling
iyo qaybo kale oo aan halkan lagusoo koobi karin
Marka koorsadu sii socoto, waxaad u gudbi doontaa mowduucyo ay ka mid yihiin horumarinta websaydyada adigoo adeegsanaya Python Programming
ugu danbeyn Haddi aad tahay bilow cusub oo aan horey u baran barnaamijin, ama aad tahay horumariye khibrad leh oo rabta inuu Python ku darsado xirfadiisa, Koorsada Python-ka ee Dhamaystiran waxay bixisaa waayo-aragnimo waxbarasho oo nidaamsan oo ku xoojin doonta inaad abuurto barnaamijyo shaqeynaya, xog falanqayn karto, isla markaana xallin karto dhibaatooyin adag adigoo adeegsanaya Python.
Kusoo biir hada oo noqo Developer isku kalsoon dhisi karana Project aad u kala duwan